axmedsiciid.blogspot.com
Axmed Siciid: Gobannimo
http://axmedsiciid.blogspot.com/2014/08/gobannimo.html
Kusoo dhowow maansooyinka and qoraallada hal - abuur Axmed Siciid. Saturday, 16 August 2014. Gurdan caawa ii baxay. Maxaad wali ka gurateen? Gartu see u taalaa? Gaar gaar u eegnee. Guul wade bal soo durug. Giddi waxad su’aashaa. Golxo iyo mariid iyo. Wuxu guuya heli kariyo. Kuman gaas ku kiciyoo. Garka dhiigga loo daray? Harka galay la gurayoo. Garba duubna loo xiroo. Go’ay oon dib loo arag? Hadaan gibil u waabnee. Shanta gees ku taalana. Aan goobno kii maqan. Taladii ku gaw tiri. Mise waa ka giigtaan.
axmedsiciid.blogspot.com
Axmed Siciid: Tisqaad
http://axmedsiciid.blogspot.com/2014/02/tisqaad.html
Kusoo dhowow maansooyinka and qoraallada hal - abuur Axmed Siciid. Wednesday, 26 February 2014. Gabayga tisqaad waxan curiyey 21/09/2012, waxana kaga qayb galay kulankkii ardada reer sudan ee kasoo qalin jebisey iskuulada jamciyada TADAMUN , wuxuna yiri:. 1Cabdiyow tilmaan gabay beryahan waanigaan tirine. 2Ma tusmaynin maansooyinkaan taabka ku lahaaye. 3Balaan tebiyo maantoo kalaa loo hal tiriyaaye. 4Dhammaantiin daliil toos ah baan idin tusaalayne. 5Bal intaad u taba fiirsataan waxan tilmaamaayo. 26Tafa...
axmedsiciid.blogspot.com
Axmed Siciid: Hurre & Habboon ( curis)
http://axmedsiciid.blogspot.com/2014/05/hurre-habboon-curis.html
Kusoo dhowow maansooyinka and qoraallada hal - abuur Axmed Siciid. Monday, 12 May 2014. Hurre and Habboon ( curis). Hindise: Axmed Siciid Maxamuud. Goobtu waa eeri go'an iyo omos harraad loogu dhintay, waa halkii cir kaa dheer dhul kaa dheer. Lagu tilmaami jirey ,degsiimadu ma badna oo waa dhawr jees oo laba habeen ka hor iyana loxoskoodii ahaa, naq iyo niqaw toona meesha kama degin kobtase caddaan ayaa ka muuqda, dhirta qaarkeed sida galoolka iyo bilcilku. Oo dhanka midig ka taagnaana intuu dib isu jimb...
axmedsiciid.blogspot.com
Axmed Siciid: Hanuunshe
http://axmedsiciid.blogspot.com/2014/08/hanuunshe.html
Kusoo dhowow maansooyinka and qoraallada hal - abuur Axmed Siciid. Saturday, 23 August 2014. Hagaag ha u dhuuxdo. An gaar u helaynin. Hal kuu tari mayso. Hul dheer ku dhacaysa. Hal aan ka kasaynin. Hal aan tari doonin. Hagaag ma u gaartey. Ahmed Saed Mohamud 23th,Aug, 2014. Subscribe to: Post Comments (Atom). Jacbur iyo jebaan jebin isku jaad miyaa. Badaha maansada afka soomaaligu waa kuwo aad u fac weyn badankoodu, ayna adagtahay in la ogaado abuurkoodii iyo xilliyadii ay bisheen,. Aw Jaamac Cumar Ciise.
axmedsiciid.blogspot.com
Axmed Siciid: SALSAL
http://axmedsiciid.blogspot.com/2014/05/salsal.html
Kusoo dhowow maansooyinka and qoraallada hal - abuur Axmed Siciid. Friday, 30 May 2014. 1 Samsameey Samiiraay hablaha waad u sidataaye. 2 Soomaali oo idil adaan kaa suntanayaaye. 3 Adigaan Siraadey tixdaan saaka kuu tirine. 4 A daan kuu sidaa ereyo aan gaar u saanyadaye. 5 Sifahaaga guud iyo Ardaay sida laguu uumay. 6 Gaatan socodka laafyaha markaad sara u qaadayso. 7 Sida rarey tankii sida markaad socodka miisaanto. 8 Sahal kaaga hari waa ninkii saxu arkaayaaye. 12 Salsalkii jacayl baa i helay. U fiirsa...
axmedsiciid.blogspot.com
Axmed Siciid: Astaamaha dhiillo ee geela & fardaha
http://axmedsiciid.blogspot.com/2014/08/astaamaha-dhiillo-ee-geela-fardaha.html
Kusoo dhowow maansooyinka and qoraallada hal - abuur Axmed Siciid. Saturday, 16 August 2014. Astaamaha dhiillo ee geela and fardaha. Soomaalida oo caan ku ah, dhaqashada xoolaha, ayaa ka mid ah bulshooyinka wax badan kala socda dhaqammada meesiyada ay xannaanaystaan. Haddaba, qormadan ayaan ku eegi doonaa, astaamaha dhiillo (cabsi) ee geela iyo fardaha, inagoo, midba gaar isu dul taagayna. War is jira dabkana inoo shida. Geelu mar haduu galihiisa joogo waraabaha (dhurwaaga) kama baqo. Hadduu u yimaad...
axmedsiciid.blogspot.com
Axmed Siciid: Dan sheeg
http://axmedsiciid.blogspot.com/2014/01/dan-sheeg.html
Kusoo dhowow maansooyinka and qoraallada hal - abuur Axmed Siciid. Sunday, 26 January 2014. Waxan gabaygan ugu tala galay isbeedelka Puntland ka dhacay, wuxuna si toos ah ula hadllayaa masuuliyiinta cusub ee la doortay iyo waliba dadka reer Puntland, wuxuna soo baxay 23/01/2014, ka bogasha wacan:. 1Da'da gabayga waataanan deyey toban diraacoode. 2Waataan dedalkii ka haray daba galkiisiiye. 3Markii derejadiisii luntaan daayey hadalkiiye. 4Markii duunya lagu raadsadaan huray dantiisiiye. 25Dareensii inay w...
axmedsiciid.blogspot.com
Axmed Siciid: Hurre & Habboon ( curis) Q.2aad
http://axmedsiciid.blogspot.com/2014/05/hurre-habboon-curis-q2aad.html
Kusoo dhowow maansooyinka and qoraallada hal - abuur Axmed Siciid. Sunday, 25 May 2014. Hurre and Habboon ( curis) Q.2aad. Hindise: Axmed Siciid Maxamuud. Hurre wuxuu sii luudo isagoo dhanka Aarka soo eegaya, wuxuu gaarey geed xanan ah oo humbulan aadna u cufan, intuu dhinaca ka maray iskuna beegay ayuu labada kabood gacmaha ku qaatay oo cagaha wax ka deyey. Warbixin kooban oo deg deg ah. Maantii koowaad Hurre geelii masoo kaxayne waa nastay, wuxuna iskala joogey geelashii, habeen labaadkiina waa la hoyd...
SOCIAL ENGAGEMENT